Allbanaadir.com
NEWS

Orodyahan caan ah oo tartanka orodada looga mamnuucayo hal arrin darteed !

Orodyahan da’da culus ah oo ka qeybgalka tartamada caan ku ahaa ayaa sabab la xiriirta anshax-darro bulsho awgeed looga reebay inuu kasii mid nqodo tartamayaasha muddo labo sannadood ah.

Ganaaxa ayaa ku saabsan balwadda uu sida aadka ah u qabatimay orodyahankan oo ah nuugidda ama cabidda sigaarka.

Chen Mouxian, oo dadku u yaqaanaan ‘Uncle Chen’, wuxuu fogaan-aragyada kasoo muuqday sannadkii 2022 markii uu aad u baahay sawirro laga soo qaaday isaga oo ka qeybgalaya tartamada orodka. Waxa dadka dareenkooda soo jiitay ayaana ahaa in Chen uu hadiyo jeer afka ku sidatay xabad sigaar ah oo shidan. Wuxuuna cabayay ilaa uu tartanka ka dhammaado.

Hadalheyn xooggan ayuu falkaas ka dhex abuuray bulshada Shiinaha. Waxaana in badan ay ku tilmaameen arrin tusaale taban ama aan fiicneyn u gudbinaya da’yarta Shiinaha oo moodaya wax caadi ah sigaar cabidda.

Bishan Janaayo, si kastaba, Chen waxaa laga diiday inuu tartanka ka qeybgalo maadaama la garowsaday sida uu sawir qaldan ugu gudbinayo dhalinyarada waddanka oo laga yaabo inay mustaqbalka kaga daydaan.

50 jirkan ayaa sugi doono muddo labo sanadood ah si uu mar kale uga soo muuqdo tartamada orodada Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Taliye Xijaar qorshaynayo Xil ka qaadista Farxaan Qaroole & Farmaajo oo wada..

admin

Madaxweyne Deni oo xilal u magacaabay Taliye ciidan & Masuuliyiin kale (Akhriso)

Caydiid Ali

Tirinta codadkii la dhiibtay doorashadii manta ka dhacday Turkiga oo socota (Yaa ku horeeya)

Caydiid Ali