Allbanaadir.com
NEWS

Nin fal argagax leh ka geestay afaafka hore ee Safaaradda Israa’iil ee ku taalla Washington

Sida ay masuuliyiintu sheegeen nin ayaa xalay dab isku qabadsiiyay banaanka Safaaradda Israel ay ku leedahay Magaaladan Washington. Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa shaqaalaha gurmadka caafimaadka waxay ula carareen Isbital Washington ku yaala, ka dib markii ciidamo ka mid ah kuwa Secret Service ee ilaaliyaha madaxda iyo diplomaasiyiinta ay damiyeen dabkii uu isqabadsiiyay.

War kooban oo waaxda dab demiska ee magaaladan Washington ay soo dhigeen internetka ayey ku sheegeen in xaaladda ninkaasi ay halis tahay. Ciidamada Booliska ee magaaladan Washington iyo kuwa ilaalada madaxda iyo diplomaasiyiinta ayaa baaris ku haya dhacdadan.

Safaaradda Israel ayaa xilliyadan dambeba bar tilmaameed u aheyd dibad baxyo joogto ah oo iska soo horjeeda oo ku aaddan dagaalka u dhaxeeya Israel iyo ururka Xamaaz ee ka soda magaalada Qaza.

Debedbaxyadan iska soo horjeeda ayaa Maraykanka ka dhacayay tan iyo bishii October 7-deedii, ka dib markii Xamas ay gudaha u gashay Israa’iil, kuna dishay 1200 oo qof 253 kalena ay ku qafaalatay.

Wixii markaa ka dambeeyay Ciidamada Israel ayaa duulaan ku qaaday Qaza, iyagoo inta baddan magaaladan burburiyay, iyagoo dilay sida saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiintu ay sheegeen dad ku dhow 30,000 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo kusii jeeda Israel sidoo kale la kulmaya madax Carbeed

Cabdi Cade

Somalia & Bankiga horumarinta Afrika oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Dilaa iyo Shabakado falal amaan daro fulin jiray

Cabdi Cade