Aadan Madoobe iyo Axmed Madoobe oo kulmay iyo qodobadii ay kawada hadleen (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) waxaana ugu horeyn ay iska xaal wareysteen xaaladaha guud ee wadanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka dowladnimo ee dalka.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhibaatooyinka daadadka soo noqnoqday ee roobabka ka dhasha ay u geystaan Shacabka degan dhulka wabiyada ku teedsan iyo meelaha xeebaha u dhow Iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa isla soo hadal qaaday howlgalada dalka looga ciribtirayo kooxaha Al Shabaab oo meel wanaagsan maraya iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku wehliyay wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay, oo ah xildhibaan laga soo doortay Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -