Wararkii u dambeeyey Ukraine “Ruushka oo isku diyaarinaya weeraro cusub” (Sawirro)

Ciidamada Ukraine ayaa isku diyaarinaya iney ka hortagaan weeraro cusub oo Ruushku ka fuliyo bariga dalkaasi iyadoo Moscow ay ciidamo dheeraad ah geysay halkaas ka dib markii ay dhibaato kala kulmeen meel u dhow caasimadda Kyiv, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskiy Khamiistii.

Duulaanka Ruushku ku qaaday dalka ay jaarka yihiin oo hadda galay todobaadkiisii ā€‹ā€‹shanaad, waxa uu guryahoodii ka qixiyey in ka badan 3.5 milyan oo qof, waxaana ku dhintay kumanaan qof, waxaa sare u kacay qiimaha saliidda adduunka, waxana uu xiisadda Ruushka iyo reer galbeedka ay gaartay heerkii ugu xumaa tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Mareykanka ayaa ka fiirsanaya inuu fasaxo keydka shidaalka si uu uga hortago sare u kaca qiimaha saliidda taasoo sii hurineysa sicir bararka adduunka oo dhan. Hayā€™adda Tamarta Adduunka (IAE) ayaa kulan degdeg ah yeelan doonta maalinta Jimcaha.

Iska caabin adag oo ay sameeyeen ciidamada Ukraine ayaa ka hor istaagay Ruushka in uu qabsado magaalo weyn, oo ay ku jirto Kyiv, halkaas oo tiirka hubaysan ee Ruushka lagu hayo toddobaadyo.

Madaxa sirdoonka Britain ayaa sheegay in qaar ka mid ah askarta Ruushka ay diideen inay fuliyaan awaamiirta, ayna jajabiyeen qalabkooda, si lama filaan ahna ay u soo rideen mid ka mid ah diyaaradahooda.

Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay dib isu abaabulayaan si ay diiradda u saaraan “xoreynta” gobolka ka go’ay ee bariga Donbas

Gobolka Donbas waxa uu ka kooban yahay laba “Jamhuuriyada dadka” ee iskood isku magacaabay oo Ruushku sheegay in ay gacan ka geysanayaan sidii ay uga xorayn lahaayeen maamulka Ukraine.

Ruushku waxa uu sheegay in ay wadaan hawlgal gaar ah oo ay ku doonayaan in ay hub ka dhigis ugu sameeyaan deriskooda. Wadamada reer galbeedka ayaa sheegay in duulaanka Moscow, oo ah kii ugu weynaa ee lagu qaado wadan Yurub ah tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, gabi ahaanba uu ahaa mid aan laga fiirsan.

Wadahadalada nabada ayaa dib u bilaaban doona Jimcaha maanta ah laakiin Ukraine iyo Ruushka midkoodna ma filayo in xal degdeg ah laga gaaro.

Ukraine waxa ay raadsatay xabbad joojin iyada oo aan wax u dhimayn dhul iyo madaxbanaanideeda, in kasta oo ay soo jeedisay in la qaato xaalad dhexdhexaad ah oo lagu beddelo dammaanad qaadka amniga. Ruushka ayaa ka soo horjeeda in Ukraine ay ku biirto isbaheysiga militari ee NATO ee uu hogaamiyo Mareykanka, waxaana ay sabab uga dhigeen duulaanka ay ku qaadayaan xubinimadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -