Maamulka Sh/hoose oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa ka jawaabay hadal uu Madaxweynaha dalka ka jeediyay shirkii golaha wasiirrada ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay inuu amar ku siiyey xukuumada in magaalada Marko la geeyo ciidamada booliska iyo nabad sugida si ay amaanka uga shaqeeyaan

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa si gaar ah u bogaadiyay in Gobolka Shabeellada hoose la geeyo, Ciidamada Booliska, nabad sugidda iyo Maxkamad heer Federaal ah, lana soo celiyo adeegyadii waxbarashada ee Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in uu Madaxweynuhu faray Wasaaradaha ay arrimahaasi Khuseeyaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan Gobolka, si ay halkaasi ugu hir-gelyaan adeegyadii ay Shacabku u baahnaayeen muddada dheer.

Waxaa uu sheegay inay diyaariyeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka iyo tan Degmada Marka, isagoo intaa raaciyay inay ku faraxsan yihiin in halkaasi la geeyo Ciidamada Booliska iyo nabad-sugida, maadaama buu yiri ay la shaqaynta Bulshadu iyaga ku wanaagsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -