Waan-waantii laga dhex waday Madaxda DF iyo Musharaxiinta oo horumar laga gaaray

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waan-waantii laga dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen ayaa ugu dambeyn caawa lagu guuleystay in la isku fahmo.

Xubin ka tirsan Ergada ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyay in maalinta berri kulan qado ah Hotelka Decale ku yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle.

Weli si cad looma shaacin haddii ay jiraan qodobo lagu heshiiyey iyo in la baajiyey dibedbaxii ay ku baaqeen mucaaradka jimcaha soo socda, kaasoo ay madaxda DF horey u diideen.

Wakiilo ka socda beesha caalamka iyo siyaasiyiin Soomaali ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waday dedaalo aan kala joogsi laheyn oo lagu doonayey in lagu joojiyo dibed baxa Jimcaha oo shacabka Muqdisho walaac badan ku abuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -