Taliye Indha-qarshe oo gaaray Kismaayo & Xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) iyo saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Waxaa Garoonka dayuuradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey wafdigan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan, masuuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo xubno kale.

Indha Qarshe iyo xubnihii la socday ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay aqalka madaxtooyada Jubbaland kula kulmeen madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira ciidamada.

Labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab iyo in xal laga gaaro madmadowga ciidamada ka dhexjira.

Ujeedka uu taliyaha ciidanka xoogga dalka u gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii loo xalin lahaan mad madow yar oo ka dhex taagan saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha Jubbaland.

Booqashada Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa ku soo aaday xili uu khilaaf xoogan ka dhex aloosan yahay dowlada federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada oo uu ku jiro Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -