Sacuudiga oo diyaariyey masuulkii dhabarka loo saari lahaa dilka Jamal Kashoqgi

Boqortooyada Sacuudiga ayaa qorsheyneysa inay kiiska dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi dusha loo saaro sarkaal sare oo ka tirsan la-taliyeyaasha sare dhaxal-sugaha Sacuudiga si ay isku furato, ugana baxsato cadaadiska caalamiga ah ee heysta.

Jariirada New York Times oo soo xiganeysa ilo ku dhow Sacuudiga ayaa qortay in qorshaha uu  qeyb yahay baaritaan ay wado Boqortooyada Sacuudiga iyo jawaab laga sugayo dhinaceeda si ay u caddeyso wixii qoraaga Jamal Kashoqgi ku qabsaday Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-da Oktoobar 2018.

Sarkaalka uu Sacuudigu qorsheynayo inuu kiiskan u saariyo ayaa ah Gen. Ahmed Al-casiiri oo la-taliye sare u ah Dhaxalsugaha dalkaasi Maxamed Bin Salman, kaasoo hore u ahaa afhayeenka isbaheysiga Sacuudigu hoggaamiyo ee weerarka ku qaaday dalka Yeman.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah in dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salman arrintan laga fogeeyo iyadoo hore ay u soo baxeen xog sheegaysa inuu isagu amray dilka saxafiga Jamal Kashoqgi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Jamal Kashoqgi uu dhintay, sida xogo kala duwan oo sirdoon isku raaceen, wuxuuna ku hanjabay in tallaabo adag ka dhalan doonto haddii ay caddaato in madaxda sare ee Sacuudiga ku lug leeyihiin dilka saxafiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -