Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ciidamo ka tirsan Galmudug oo tababar loogu soo xiray Gaalkacyo

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshisiinta dowlad goboleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa maanta tababar u soo xiray Dufcaddii u horeeysay ee Ciidanka Asluubta Qeybtooda Galmudug

Munaasabada xiritaanka tababarka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobalka kan dagmada Gaalkacyo ee Saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo la taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Galmudug Jenaraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb iyo mas’uuliyiin kale oo xafladda lagu casuumay.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe Madaxa Tababarada Ciidanka Galmudug ayaa sheegay in muddo afar bilood ah ay tababar jireed, mid sharciyada iyo xeerarka ciidanka Asluubta qaateen isla markaana ay yihiin 110 askari oo ah dufcaddii ugu horeeysay ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Qeybtooda Galmudug

Munaasabada oo intii ay socatay ay ka hadleen Mas’uuliyiinta maamulka gobalka Mudug iyo kan dagmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidanka Asluubta Qeybta Galmudug Xildhibaanno gudoomiyaha maxlamadda racfaanka Gobalka Mudug iyo la taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Galmudug Jenaraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb ayaa dhamaantood bogaadiyay tababarka la siiyay ciidanka Asluubta ee Galmudug.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshisiinta Galmudug mudane Cumar Maxamed Diiriye oo soo xiray tababarka ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay si daacad ah ugu adeegaan bulshada oo ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Related posts

Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Qoraal Wadajir ah soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Hoggaamiyihii xukuumadda gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh oo la qabtay

Cabdi Cade

Khayre oo ka hadlay hal arrin oo fursad u noqon karta dib u dhiska dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali