Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Afrikaan ah oo Masaajida mamnuucday dhawaqa dheer xilliga aadaanka

Dowladda Rwanda ayaa ka mamnuucday dhammaan masaajiddada inay isticmaalaan cod baahiyeyaasha dhawaqa dheer xilliga aadaanka salaadaha, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay dhibaato ku tahay dadka ka ag dhow.

Sarkaal ka tirsan ururka Muslimiinta dalkaasi ayaa mamnuuciddaasi cambaareeyay isagoo sheegay inay wanaagsanaan lahayd in la isku raaco yareynta dhawaqa, isla markaana cod baahiyeyaasha la isticmaalo muddo kooban.

Rwanda ayaa dhowaan xirtay boqollaal kaniisado sababo la xiriira ammaanka iyo buuqa. Baadariyaal badan ayaa iyagana xabsiga loo taxaabay.

Sharci cusub ayaa la soo saaray kaas oo lagu maamulayo sida ay ururro-diimeedyadu u shaqeeyaan – tallaabadan oo loo arkay xaddidaad cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

 

Related posts

Cabdiraxman Cabdishakur “ Dagaal kama dhacayo Muqdisho ee Farmaajo ayaa ka siibaynaa Meesha Ha wal walina “

admin

Wareegtadii Saadaq Joon lagu hoos geeyay Saldhiga Booliska Garoonka Adan Cadde oo la baahiyay

Cabdi Cade

Maraykanka oo kordhinaya ciidamada ka jooga dalal ay ku jirto Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---