Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Sidee looga ciiday Magaalada Jigjiga xarunta dowlad degaanka Soomaalida

Labada ragcadood ee salaadda ciidul-fidriga ayaa lagu ooggay garoonka kubadda cagta ee magaalada Jig-jiga caasimada dowlad degaanka Soomaalida.

Kumannaan qof oo muslimiin ah ayaa salaadda sunaha ah ee munaasibadda ciida ku tukaday garoonka weyn ee kubadda cagta magaalada Jig-jiga;

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Injineer Maxammed Shaalle Isaaq, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida iyo masuuliyiin heer Deegaan ah ayaa bulshada kala qayb’galay munaasibadda ciida.

“Dadkii masaakiinta ahaa ee aynnu afur-wadareedka u samaynaynay bisha barakaysan ee Ramadaan wali waa baahanayaal oo taakulo ayay u baahan yihiin sidaasi awgeed aynnu wadno dhaqankii wanaagsanaa ee ahaa is-caawinta”, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweynaha DDS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal oo fulinaya Qaliino loo adeegsanayo Leesar

Cabdi Cade

Masuul katirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Magacaabay la taliyeyaal cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---