Allbanaadir.com
NEWS

Kenya hakisay qorshe ay ciidamo booliis ah ugu diri lahaayeen dal uu khalalaase ka jira

Dowladda Kenya ayaa hakisay qorshe ay ku doonayeen in ciidamo booliis nabad ilaalin ah ugu diraan dalka Haiti, oo xilligan ka jiraan khalalaase xooggan ay ka dambeeyaan kooxo burcad hubeysan ah.

Sargaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegay in la hakiyay qorshihii Kenya ay ciidamada Booliiska ugu diri laheyd dalka Haiti, kaddiv markii Ra’isul Wasaaraha dalkaasi ku dhawaaqay in xilka baneenayo.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa dowladiisa ku guul dareesatay wax ka qabashada xaalada amni ee dalkaasi, waxaana dhawaan la sheegay in uu dalka isaga baxsaday kaddib markii xaalad amni darro lasoo daristay.

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya Korir Sing’oei, ayaa sheegay in maamul la’aanta siyaasadeed ee ka jirta dalka Haiti, ay keeni karto in la hakiyo ciidankii Kenya dalkaasi u diri laheyd.

Dowladda Kenya ayaa qorsheysay in kun askari oo booliis nabad ilaalin ah u dirto dalka Haiti oo xaalad hubinta la’ana ah ka jirto, waxaana dirista ciidankaasi hadda dib u dhigi kartaa katagista xilka Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti oo xaalad cabsi ah lasoo daristay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Miisaaniyada Maamulka Jubbaland ee sanadka cusub 2021 oo la ansixiyey

Caydiid Ali

Howlgalo amni xaqiijin ah oo caawa ka socda qeybo kamid ah Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Deni iyo kuxigeenkiisa oo Siyaabo kala duwan ula kulmay Dagnachew Yitberke (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---