Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha taliska Booliska DF (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,  S/guuto. Sulub Axmed Firin.

Booqashada  Madaxweynha Soomaaliye ee Taliska Ciidanka, ayaa ah u kuurgalka howlaha shaqo ee Ciidanka Boliiska ay u hayaan, Madaxweynha Soomaaliya xasan shiikh Maxamuud, ayaa Kormeeray qaar ka mid ah Hogaanada ee taliska Ciidanka.

Kormeerka ka dib Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu la kulmay saraakiisha Hoggaanada iyo Taliyaasha saldhigyada Gobolka Banaadir waxa uuna kala hadalay dar dar galinta Howlaha Bulshada u hayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno ku saabsan qaab dhismeedka, hannaanka shaqo, qorshaha furan ee dib u habaynta iyo tirakoobka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka dhageystay qeybaha kala duwan ee hoggaannada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo bogaadiyey guulaha muuqda ee ay ku tallaabsadeen Ciidanka Booliska ayaa Sarakiisha iyo taliskoodaba ku adkeeyey in ay hirgaliyan ku dhaqanka xeerarka iyo siyaasadaha la dajiyey si loo ilaaliyo sharafta Ciidanka iyo bulshada, loona abuuro iskaashi sal adag leh oo qeyb weyn ka qaato amniga dalka iyo bad qabka carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirada Arimaha Bulshada Jaamacada Carabta kulan deg deg ahaa yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlad Weyn oo shaacisay iney xiriir iyo iskaashi la yeelaneyso hogaanka Taliban

Caydiid Ali

Xaaf iyo Axmed Madoobe oo xaalka kusii xumaanayo iyo Dowlada oo kaarto cusub u adeegsatay

Cabdi Cade