Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Golaha Wakiilada Somaliland oo cod u qaaday Xeerka Doorashooyinka

Kalfadhigii 16aad Todobaadkii 9aad ee Kalfadhiga 7aad, ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominaayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa saaka Cod aqlabiyadda ku ansixiyeen Xeerarka Dooroshooyinka isku sidkan ee Somaliland

Gollaha oo ay soo xaadireen 73 xildhibaan ayaa xeer Lr.14 waxa sidii guurtidu ugu soo codaysay ku ogolaaday  59 xildhibaan

Halka Xeer lr. 91 sidii guurtidu ugu soo codaysay ay goluhuna ku ogolaadeen 58 xildhibaan.

Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Golaha Wakiilada Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in xeerku uu dhaqangalyahay, hadii uu madaxweynuhu saxiixi waayana uu goluhu awood ku dhaqangalin doono.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo saraakiil kale oo Awdal kasoo jeeda ayaa shalay diiday xeerka cusub, iyagoo ka biyo diiday qodobka sheegaya in 20% codadka guud ay ururadu helaan si ay xisbiyo u noqdaan, waxayna rabaan in qodobka laga dhigo hal dheeri.

Related posts

Xiliga la Maxkamadeynayo raggii loo xiray dilka Caa’isho Ilyaas oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ilhan Cumar oo booqasho ku joogta dal Afrika kuyaala (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shirkada Blue Sky Energy oo Adeeg koronto oo Casri ah kusoo kordhisay Muqdisho

admin
Taboola Ads ---