Xiliga la Maxkamadeynayo raggii loo xiray dilka Caa’isho Ilyaas oo la shaaciyey

Xafiiska Xeer ilaalinta Maamulka Puntland ayaa maanta sheegay inuu heer gebagebo ah marayo kiiskii dilka iyo kufsiga iskugu jiray ee loo geystay marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan.

Cismaan Cabdi oo ah Taliye ku-xigeenka laanta dembi baarista Puntland  ayaa sheegay in meel fagaare ah lagu qaadayo dacwada kiiska Caa’isho Ilyaas oo aheyd gabar 12 jir ah oo bilo ka hor dil iyo Kufsi loogu gaystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxkamadeynta ragga looheysto kiiskaas ayuu sheegay Taliyuhu in lagu qabanayo Jaamacada Bariga Afrika ee Garoowe Maalinta sabtida oo soo socota, isagoo sheegay in dhageysiga dacwadaas ay u furan tahay dadweynaha.

Taliye ku xigeenka Dembi baarista Puntland ayaa intaas ku daray in isla maalintaas dacwada kufsi kale oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu qaadi doono isla fagaaraha  Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe.

Qoyska Caa’isha Ilyaas oo dhowaan isaga guuray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ku eedeeyey maamulka Puntland iney sii daayeen qaar ka mid ah dadkii dilay gabadhooda, dalkana laga dhoofiyey arintaasoo ay sheegeen iney sheegeen iney tahay dembi kale oo Caa’isha yarey iyo iyagaba laga galay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -