Allbanaadir.com
NEWS

Ilhan Cumar oo booqasho ku joogta dal Afrika kuyaala (Daawo Sawirada)

Ilhan Cumar oo kamid ah Xildhibaanada aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ayaa iyada iyo Xildhibaano kale oo Koongareesja katirsan waxa ay booqasho ku joogaan dalka Ghana.

Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa kamid ah wafdi ay hogaamineyso afahayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasho ku joogo dalka Ghana.

Wafdigan ka socda dowlada Mareykanka ayaa dalka Ghana uga qeyb galaya xuska 400 sanno guuradii kasoo wareegtay markii kooxdii ugu horeysay ee dadkii addoonsiga loo watay ay gaareen Maraykanka.

Ilhan Cumar ayaa kamid noqotay Xildhibaanada xiligan ugu saameynta badan Baarlamaanka dalka Mareykanka, waxa ayna Ilhan ku caan baxday hadalada kul kulul ay is dhaafsadaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo lagu soo dhoweeyey degmada Diinsoor (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaano ku eedeeyey Madaxweyne Deni inuu xushmad daro u muujiyey Golaha wakiilada Puntland

Caydiid Ali

Digniino laga bixiyey roobab dabeylo wata oo ka bilowday xeebaha Bariga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---