Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Midowga Afrika ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.
Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad)ayaa sheegay in arintaan ay tahay guul weyn, taas oo sare u qaadeysa magaca Soomaaliya iyo doorkeeda hoggaanka adduunka iyo go’aamada masiiriga ah.
Sanadihii 1971-1972 ayaa Soomaaliya ugu dambaysay inay qeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Soomaaliya ayaa kursigan u tartami doonta bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Haddii Soomaaliya ay ku guuleysato dalabkeeda, waxay xilka sii heyn doontaa ilaa 2026, taasoo ka dhigan fursad gaar ah oo ay Soomaaliya saameyn ku yeelan karo go’aannada caalamiga ah.
Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 15 dal oo 10 ka mid ah yihiin xubnaha aan joogtada aheyn ee sanad walba isbedbedela, halka shanta dal ee soo hartay ay yihiin kuwa joogtada ah ee leh codka diidmada qayaxan ee Vito waana  quwadaha waaweyn sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo UK