War saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu shaaciyay in duqeyn diyaaradeed ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.
Warka kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 17-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxaana qoraalka lagu cadeeyay in duqeyntan aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka shacabka ah.
“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya, waxaana weerarka lagu dilay 17-dagaalyahan.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidankooda jooga Afrika ay sii wadi doonaan tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntan ayaa dhacday sagaalkii bishan, deegaanka taliska AFRICOM ku sheegeen in qiyaastii 285 kiilo mitir waqooyi bari kaga beeganyahay Muqdisho, waxaana duqeynta lala eegtay xubno Shabaab ah oo weerar ku qaaday fariisin ciidan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com