Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray ammaro cusub oo amniga lagu xaqiijinayo

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wareegto maanta soo saareen waxa ay magaalada Muqdisho uga mamnuuceen koofiyadaha dhallinyarada xirtaan iyo sidoo kale af-xirashada (mask).

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo warbaahingta la hadlay ayaa sheegay in la go’aamiyay maanta waxii ka dambeeya in magaalada Muqdisho lagu xiran karin koofiyadaha iyo sidoo kale af-xirashada .

”Maanta waxii ka dambeeya waxaa mamnuuc ah in Muqdisho lagu xirto koofiyadaha marka laga reebo kuwa sunnada iyo baraawaaniga, waxaa sidoo kale la mamnuucay af-xirashada (mask) maadaama uusan jirin cudurka Caronaviris.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale mamnuucay in hubka fudud lala raaco mooto bajaajta iyo sidoo kale mootada loo yaqaan Fikon, waxaana la amray milkiilayaasha mooyinka in ay ka digtoonaadaan in hub lala raaco.

Laamaha ammaanka ayaana la faray in tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan ciddii jabisa ammaran lasoo saaray, iyada oo loo arkayo dadkaasi in ay halis ku yihiin ammaanka caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyihii Wagner ee khal khalka galiyay Putin oo la shaaciyay halka uu joogo

Cabdi Cade

Ruushka oo Xuutiyiinta la galay heshiis ka nixiyey reer Galbeedka

Caydiid Ali

Mahmoud Ahmadi Nejad oo Xabsi la dhigay iyo Faah faahino kasoo baxaya sababta loo xiray

admin
Taboola Ads ---