Allbanaadir.com
NEWS

Mahmoud Ahmadi Nejad oo Xabsi la dhigay iyo Faah faahino kasoo baxaya sababta loo xiray

Madaxweynihii hore ee dalka Iiraan Mahmoud Ahmadinejad ayaa xabsi la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in uu ka qeyb galay banaan bax dowlada looga soo horjeeday hadalo dhaliil ahna ka jeediyay.

Warbaahinta Caalamiga ah qaarkood ayaa qoraya in Madaxweynihii hore dalka Iiraan uu ka qeyb galay banaan bax ay dhigayeen dad dowlada kasoo horjeeda, waxa uuna ku dhaliilay dowlada Khudbad uu ka jeediyay banaan baxaasi.

Madaxda dowlada Iiraan ayaa la sheegay in ay aad u dhibsadeen hadalo uu ka jeediyay Ahmadi Nejad banaan bax ka socday Magaalada Shiraz, waxaana dowlada go’aansatay in la xiro hogaamiyahan hore.

Wargeyska Al-Quddus Al Carabi oo xarungtiisu tahay London oo soo xiganaya Diblumaasiyiin Iirana ku sugan ayaa sheegay in xariga Madaxweynihii hore ee Iiraan uu amray hoggaamiyaha kacaanka Iraan Ayatullahi Cali Khamani.

Dalka Iiraan waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday banaan baxyo dowlada looga soo horjeeday, waxa ayna dowlada banaan baxyadaasi u xirtay dad badan oo lagu eedeeyay in ay khal khal amaanka galiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab ma waxaa loola dirirayaa in ay afkaar xagjir ah leeyihiin, Mise in ay yihiin awood hubaysan ?

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo la ogaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Queenstown iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---