Xisbiyada dalka ka jira oo aad ula yaabay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta golaha wasiiradda ka codsaday in ay todobaadka dambe anisixiyaan sharciga doorashooyinka Dalka taasoo ay aad ula yaabeyn Xisbiyada Dalka Jira.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka codsaday Xukuumada Kheyre  in la dadajiyo Sharciga doorashooyinka dalka ee 2021 oo dhacaysa.

Kamaal Guutaale oo ah Gudoomiyaha Xibsiga Wadajir ayaa sheegay in uu Madaxwayne Farmajo oo hadda hurdada kasoo kacay, waxa uuna sheegay in aan wali xisbiyada lagala tashan sharciga Doorashooyinka.

“Haddii aan nahay axsaabta siyaasadda ee dalka ka jira, markii noogu danbeysay waxaan ku ballansaneyn Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka inuu wadatashi nagala sameeyo sharciga Doorashooyinka, saxna ma ahan sharcigaas in la geeyo Golaha Wasiirada iyada oo aan la soo marsiin cidda ay khuseyso” Ayuu yiri Kamaal Guutaale.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir in Madaxweyne Farmaajo uu ka fekerayo hirgalinta sharci doorasho oo jeebkiisa ah, waxa uuna cadeeyay in aan sharcigan lagala tashan xisbiyada Siyaasada iyo Maamul goboleedyada dalka ka jira.

”Garan mayo Madaxweynaha xilliga uu hurdada kasoo toosay oo uu ku soo kacay mandate-kiisa inuu gabaabsi yahay, kuna fakaray sharci doorasho oo marooqsi ah in sitimaanka soo socda loo boobsiiyo!! Sharcigaan sida aan wada ognahay wadatashigiisa cidda laga la soo ganbiyey oo ay khuseyso Xisbiyada kaliya ma ahan ee waxaa ka mid ah Dowlada Goboleedyada, Waxaa sidoo kale u baahan in la caddeeyo inaan laga heshiin qaabka Constituencyga dalka, maa daama aan laga heshiinna qaab dhismeedka sharcigu waa Qabyo,Sharcigaan baxsadka lala yahay ha lagu soo celiyo cidda ay khuseyso si talo mideysan looga gaaro, haddii kale gurbaan la xaday meeshii lagu tumi lahaa ayaa la iska rabaa!! ” Ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir.

Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa ka walaacsan in si deg deg ah oon laga tashan lagu hirgaliyo sharciga doorashooyinka dalka, waxaana xisbiyada tuhmayaan in dowlada ay meel marsaneyso sharciyo iyaga u daneenaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -