Dowlada oo war kasoo saartay Weerar lagu dilay 70- dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada Soomaaliya ayaa looga hadlay duqeyn dhawaan ka dhacday deegaan kuyaala duleedka Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dowlada War saxaafadeedka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in ay agaasintay wax badana kala socotay duqeynta ka dhacday duleedka Xarardheere, waxa ayna dowlada sheegtay in duqeyntasai lagu dilay 70-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka dowlada

Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Saaxiibo Caalami ayaa agaasintay hawlgal qorshaysan oo lagu beegsaday Saldhig ay Argagixisada Alshabaab ku lahayd agagaarka Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Hawlgankaan oo si wanaagsan ula kulmay ujeedadii laga lahaa ayaa lagu dilay ku
dhawaad 70 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo isku diyaarinayay weeraro argagixiso oo ay
ku waxyeelaynlahaayeen Shacabka Soomaliyeed.

Dadka ku dhintay hawlgalkaan waxaa ku jira Horjoogayaal sarsare oo kuwo ku
takhasusay maleegista falalka waxyeelaynta maatida ee Kooxdu ku mashquulsantahay,
mana jirto waxyeelo soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed maadaama bartilmaameedku
ahaa Sal-dhig ay isku uruursanayeen Maleeshiyada Shabaab.

Dawladda Soomaaliya waxeey u mahadcelinaysaa Bulshada Deegaanka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo la’aantood aanu suurtagal noqdeen hawlgalkaan.

Dawladdu iyada oo kaashanaysaa Shacabkeeda iyo saaxiibada Caalamiga ah waxeey xaqiijinaysaa in ay ka go’antahay sii labanlaabista Weerarada Kooxaha Sharwadayaasha  ah ee ku hawlan in ay waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed waxeey ugu baaqaysaa Qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Nolol-diidka ah, sidoo kale waxeey ka codsanaysaa Saaxiibada Caalamiga ah in ay sii kordhiyaan garab- istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliya si looga guulaysto Argagaixisada Soomaaliya ku nuumanaysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -