Dood Qaran: Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

Madasha Talo-Wadaag ayaa Dood qaran oo ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku qabatay Magaalada Muqdisho. Doodaas oo ay ka soo qeyb galeen 150 qofood oo  kala socday qeybaha bulshada sida Golaha Shacabka, Aqalka sare, Gudiyada Qaranka, Golayaasha Maamul Goboleedyada, goboleedyada, Gudoomiyaal Xisbi, siyaasiyiin aan xil hayn,  Hogaamiyaasha Bulshada Rayidka sida Dhaqanka,  Culimaa-u-diinka, Haweenka, Dhalinyarada, Ganacsatada, Jaamacadaha, iyo Xaruumaha Cilmi baarista  iyaga oo  dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay sababaha keena Khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya dowladd Federaalka iyo Dowlad Goboleedka iyo curinta aragtiyo wax ku ool ah oo xal u noqon kara khilaafaadkaas.

Ugu horeeyntii waxaa laga soo jeediyay labo Cilmi baaris oo ay soo gudbiyeen  Prof C/shakuur  Sheekh Xasan Faqiih oo ka tirsan Jaamacada Muqdisho iyo Dr Maxamed Axmed Sayid oo ka tirsan Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed iyagoo si cilmiyeeysan uga hadlay taariikhdii hore ee isqabqabsiga iyo khilaafaadkii  dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada ka dhex jiray xiligii ku meel gaarka ilaa iminka, sababaha keena khilaafka, wadashaqeyn la’aantii dhacday marmarka qaar, waajibaadka saran dowladda dhexe iyo sidoo kale Waajibaadka saran maamul goboleedyada, waxayna soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah.

Kasoo qeyb galayaasha ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib diirada saaray  in marka laga yimaado faragelinta shisheeye in ay jiraan arimo kale oo sal u ah khilaafaadka soo noqnoqday sida  Dustuurka oo qabyo ah, Shuruucdii Federaalka ah oo aan jirin, iyo in si qarbo qarbo ah  oo aan tashi badan la gelin lagu dhisay maamul goboleedyada, iyo qaabkii siyaasadda dalka u socotay oo isbadal ku yimid oo ay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadana ay sidaa si ka duwan u soo dhaqmi jireen. Dhanka kale waxaa la muujiyay  in dowalada dhexe looga baahan yahay in ay dowr nabadoonimo ay kula dhaqanto maamul goboleedyada iyadoo la fiirinayo in dalku weli ku jiro xaalad dib u heshiisiin, maamul goboleedyadana ay curdin yihiin, nidaamka federaalkana uusan weli u hana qaadin si dhameystiran.

Gunaanadkii ka qeyb galayaasha Dooda Qaran ee Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda dhexe iyo Dowalad Goboleedyada waxaa ka soo baxay talooyin iyo Baaq.

Talooyinka :

  • In la dhameystiro Dustuurka Qabyada ah, isagoo aasaas u ah dowladnimada iyo kala xadeynta awoodaha Hay’adaha federaalka, laguna cadeeyo awoodaha heer federal iyo heer dowladd Goboleed, iyo sidoo kale sareeynta Awooda dowladda dhexe iyo  Dowlad
  • In Barlamaanka Federaalka uu dedajiyo dhamaan Shuruucda xiriirka la leh Arimaha Federaalka si fasiraad sax ah iyo fulinba loogu helo qodobada dustuurka ee guud, sidoo kalana loo helo Maxkamadii Dustuuriga iyo Maxkamad geli karta khilaafaadka dowalada federaalka iyo Dowlad goboleedka
  • In shacabka soomaaliyeed iyo hogaamiyaasha siyaasadeed heer walba ay u istaageen dib u eegis iyo dib u habeyn in lagu sameeyo qaab dhismeedka Dowlad Goboleedyada iyadoo oo lagu dhisay degdeg, dano daroosho, dano shisheeyo iyo  Shuruuc qabyo ah oo khilaafsan Dustuurka Federaalka.
  • In Hogaamiyaasha Dowalad Goboleedyada u daayaan awoodaha dowaldda dhexe ee  ku cad Dustuurka, gaar ahaan  Qodobka 54aad sida  Arimaha Dibadda , Difaaca Qaranka, Jinsiyadaha iyo Socdaalka iyo siyaasadda lacagta iyo maaliyada,  arinkaana aan mugdi lagulin heshiisyo ay daba ka riixayeen Beesha Caalamka.
  • In Barlamaanku Shuruuc u badalo dhamaan heshiisyada ay gaareen dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ee  ku aadan;
    Dakhliga, qeybsiga kheyraadka, doorashooyinka iyo Amniga Qaranka ee ugu danbeeyay heshiiskii Baydhaba.
  • In si wadajir ah looga wada qeyb qaato daahfurnaanta iyo la dagaalanka musuq maasuqa, lana xisaabtamaan Hay’adaha Federaalka sida Hanti dhowrka, Garsoorka, Dowlad Goboleedyada si loo dhowro hantida Qaranka ee Gobolada iyo Caasimada loona dhowro daahfurnaanta iyo isla xisabatanka.
  • In Dowladda Federaalka si siman u gaarsiiso kaalmooyinka iyo mashaariicda ay ka hesho Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Baaq :

  • In Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Golayaasha Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay  u wada istaagaan si  wadajir ah dhammeynta  khilaafka taagan iyadoo loo marayo wada-hadal, isafgarad ka madax banaan faragelin Shisheeye.
  • In dowladda federaalka qaadato dowr hogaamineed iyo isku wadid, si la mid ahna  ay qaataan  Madaxwyenayaasha Dowlad Goboleedyada dhowrista shuruucda dalka, kala sareeynta awoodaha sharcigu bixinayo, dhowrista madaxbanaanida iyo dowladnimada.
  • Madasha Shirku waxay soo dhaweeyay Heshiiskii Dowladda Federaalka  iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeel waxayna ugu baaqaysaa Dowlad Goboleedyada in ay ku daydaan wadadii Hirshabelle.
  • In Dowlada Federaalka ay xal waara u raadiso khilaafaadka murugsan ee ka jira Dowlad Goboleedka Galmudug.
  • In Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ay ku qabtaan doorashooyinka xiligii loo xadiday  oo aan dib u dhac iyo kororsi lahayn, lana qabto doorasho  xor ah oo xalaal ah. loogana dhigin marmarsiiyo khilaaf.
  • In doorashada Dowlad Goboleedyada la gaarsiiyo heer gobol, degmo iyo tuulo si shacabku u yeeshaan matalid dhab ah.
  • In Shacabka iyo Hogaamiyaasha Soomaaliyeed iaygoo isku duuban ay ka shaqeeyaan horumarka siyaasadeed, bulshadeed, dhaqaale iyo amni.
  • In doodaha noocaan ah loo baahan yahay sidaa darteedna la badiyo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -