C/wali Gaas oo gudoomiye cusub u magacabay Gaalkacyo, Golihii degaankana kala diray

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa kala diray golihii degaanka magaalada Gaalkacyo isagoo dhinaca kale magaaladaasi u magacaabay gudoomiye cusub.

Wareegtooyin caawa kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu kala diray Golihii degaanka magaalada Gaalkacyo isagoo nabadoon caan ah u magacaabay inuu noqdo duqa magaalada Gaalkacyo.

Wareegtada magacaabida gudoomiyaha Gaalkacyo ayaa u qorneyd sidatan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne

Lr. 176, November 17 2018, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka

degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo inay sii socoto shaqada Degmada Gaalkacyo.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose

iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Wuxuu Xeeriyey.

  1. Waxaa Yaasiin Cabdisamad Cumar si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiyaha

Degmada Gaalkacyo.

  1. Waxaa Maxamed Cabdinaasir Cigaal Xirsi si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay

Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay

Madaxweynuhu.

DHAMMAAD

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -