Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo wada qorshe heshiis xabbad-joojin ah looga gaarayo dagaalka Gaza

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Salaasadii sheegay in hoggaamiyayaasha Xamaas ay ka soo jawaabeen hindisaha sii daynta la haystayaasha, kaasoo hakin doona dagaalka ka socda marinka Gaza.

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu dersayo jawaabta ay ka bixinayaan arrintan, isla markaana ay kala hadli doonaan Israa’iil maalinta Arbacada ah.

Intii uu socday shir saxaafadeed ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, Xoghaye Blinken ayaa u sheegay warbaahinta in jawaabta Xamaas ee hindisaha sii daynta la haystayaasha lala wadaagay Israa’iil. Madaxweyne Biden oo ku sugan Washington ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in jawaabta Xamaas ay tahay “mid xoogaa saayid ahi uu la socdo”, hase ahaatee la sii wadi doono wada-xaajoodyada.

Xoghayaha ayaa wadahadalo la yeeshay hoggaamiyayaasha Qatar iyo Masar, xilli ay socdaan dedaalo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Gaza, isla markaana ay tahay in kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza.

Maraykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka shaqeeyey heshiis xabbad-joojin ah, kaas oo haatan laga wada xaajoonayo, waxaana ku jira in muddo toddobaadyo ah la xakiyo dagaalka ka socda marinka Gaza iyo in la sii daayo maxaabiista la haysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Netanyahu oo qalqaalo ugu jira in weerar lagu qaado xarumaha Nukliyeerka Iran

Cabdi Cade

Kiisaska cudurka Corona ee laga helayo gudaha Somalia oo sare u sii kacaya

Caydiid Ali

Xiisad ka taagan garoonka Aadan cadde & Shaqaale careysan oo ku dhaqaaaqay shaqo joojin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---