Kiisaska cudurka Corona ee laga helayo gudaha Somalia oo sare u sii kacaya

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladahii ugu danbeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in baaritaanadii ugu danbeeyay ee la sameeyay laga helay 28 ruux oo ku sugan Muqdisho iyo Hirshabeelle, taasoo ay sheegtay iney sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.

Drs. Fawziya Abiikar Nuur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in shalay xanuunkan laga baaray dad gaaraya 628 COVID-19, waxaana laga helay 62 qof oo ku sugan Banaadir, kuwaa oo kala ah 36 Lab ah iyo 26 Dhedig ah, halka ay u geeriyodeen 2 qof.

Wasaaradda ayaa Tirada Guud ee Laga Helay xanuunkan ku sheegtay 5,075, tirada guud ee Bogsatay waa 3,733, halka dhimashada Guudna ay tahay 146.

Wasaaradda ayaa ugu danbeyn digniin caafimaad u dirtay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed si ay ugu digtonadaan halista xanuunkan oo markale soo laba kacleeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -