Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Xamse oo hambalyo u diray dhigiisa Dr. Ahmed Awad bin Mubarak

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadaa Federaalka Soomaaliya mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Mudane Dr. Axmed Cawad bin Mubaarak oo maanta loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Yemen.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ayaa Ra’iisul Wasaare Cawad Alle ugu rajeeyay hoggaamin wanaagsan iyo inuu shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen gaarsiiyo barwaaqo, xasillooni iyo horumar.

Waxaa uu sheegay in labada dal ay yihiin dalal deris ah oo wadaaga gacanka cadmeed, uuna ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo loo baahan yahay in la sii xoojiyo.

Yemen ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ka jirtay dowlad taag daran oo ay dhiseen xulafada uu sacuudiga hogaamiyo taasoo dagaal kula jirtay kooxaha Xuutiyinta Yemen ee Iran ay taageerto kuwaasoo maamula qeybo ka mid ah dalkaas oo ay ku jirto caasimada Sanca.

Related posts

Maraykanka: ” Waxaan xoojinaynaa garabka aan DF ku siino dagaalka argagixisada”

Caydiid Ali

Dilal caawa ka dhacay Ceelasha Biyaha iyo amniga degaanka oo laga deyrinayo

Caydiid Ali

Mareykanka oo digniin culus ka bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---