Maraykanka: ” Waxaan xoojinaynaa garabka aan DF ku siino dagaalka argagixisada”

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska 14-kii Oktoobar 2017 oo ku beegan sanad guuradii 3aad ee qaraxii Zoope

Qoraal ay soo saartay Safaaradu ayay ku sheegtay in dowaladda Mareykanka la xanuunsaneyso qoysaska dadkii qaraxaasi lagu laayay isla markaana ay ku garab taagan tahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Maanta, waxaan xusuusannahay dhibanayaashii weerarkii argagaxa lahaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Muqdisho ee ay ku dhinteen 587 muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan & boqolaal kale oo ku dhaawacmay. Waxaan la murugoonaynaa qoysaska dhibanayaasha waxaanan garab istaageynaa shacabka & dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu yiri qoraalka Maraykanku soo saaray.

Qarixii Soobe ee 14-kii Oktoobar ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca qaarada Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -