Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo digniin culus ka bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan Kenya

Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa ka digtay suuragalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi

Qoraalka digniinta ah ee ay safaaraddu soo saartay ayey ku sheegtay in kooxaha argagixisadu ay qaadi rabaan weerar ay la beegsanayaan goobaha ay dadka badan iskugu yimaadaan gaar ahaan kuwa ajaanibka ah iyo dalxiisayaasha ku sugan Nairobi iyo qaybaha kale ee Kenya.

Sidoo kale safaarada Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Kenya ugu baaqday iney feejignaadaan, kana fogaadaan goobaha la iskugu yimaado.

“Muwaadiniinta Maraykanka ee dalka Kenya ku sugan ayaa la amray inay ka feejignaadaan goobaha ay tagaan dalxiisayaasha ajaaniibka, si ay uga warqabaan agagaarkooda, iyo inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah si ay u helaan xogaha cusub” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ammar cusub siiyay Taliska ciidamada Booliiska (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Qaraxyo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

DEG DEG: Xassan Shiikh oo shaaciyey in laga helay cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---