Dilal caawa ka dhacay Ceelasha Biyaha iyo amniga degaanka oo laga deyrinayo

Labo ruux oo shacab ahaa ayaa caawa la dilay shan kalena waa lagu dhaawacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo maalmahan laga deyrinayey xaalada amniga degaankaas oo la sheegay iney faraha ka sii baxeyso.

Falka labada ruux lagu dilay ayaa ka dhacay agagaarka maqaayada Galmudug oo ku taalla bartamaha degaanka Ceelasha Biyaha ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen rag bastoolado ku hubeysan oo baxsaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in shan ruux oo maqaayada ku jiray ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada amaanka dowlada oo dilka labada ruux ka dib halkaas gaaray.

“Booliskii goobta yimid xaalada ayeyba uga sii dareen, meeshii ay raadin lahaayeen raggii dilay labada qof, waxayba sii dhaawaceen shan kale oo shacab ah, khasaaraha unbey sii badiyeen” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugnaa oo dhaliilay hab dhaqanka ciidankii goobta yimid.

Shacabka ku dhaawacmay rasaasta ciidamada Boolisku fureen ayaa qaarkood waxaa lagu daweynahaa isbitaal ku yaala degaanka halka kuwo kalena loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 8 ruux oo shacab ahaa ayaa 48kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay degaanka ceelasha biyaha waxaana afar ka mid ah xalay lagu dilay hal goob.

Dilalkan iyo falal amaan darada ee ku soo kordhaya degaanka Ceelasha biyaha ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray shacabka halkaas ku nool oo bilaabay iney guryahooda hoosta ka xirtaan wixii ka dambeeya gabal dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -