Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo loo ballan-qaaday in laga taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo ku sugan wadanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga dalka Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo dowladda Uganda ay ballan-qaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al Shabaab.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Gen,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo Al Shabaab ,iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo taageerada ciidamada xoogga dalka .

Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  ayaa booqday kuliyadda difaaca Qaranka Uganda oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxuuna kula kulmay kuliyadda saraakiisha milateriga dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tim Walz oo sheegay in waxa ka socda Minneapolis ay soo xasuusinayaan Muqdisho

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sheegay in guryo aay lahayeen sharci darro lagu bur-buriyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo qiray in Arday badan ay isticmaalaan Taabuuga lana dagaalamaan Macalimiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---