Duqa Muqdisho oo qiray in Arday badan ay isticmaalaan Taabuuga lana dagaalamaan Macalimiinta

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in isticmaalka maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan uu dhibaato badan ku hayo dhallinyarada caasimadda ku dhaqan.

Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa dagaal adag la gali doono maan-dooriyaha uu sheegay in dhibaato ku hayo amniga caasimadda, waxa uuna xusay in ay isku dayi doonaan kahor taga waxyaabaha maanka-dooriya nuucyadiisa kala duwan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale qiray in dhibaato badan uu dhallinyarada gaar ahaan ardayda ku hayo taambuuga oo dalka dibadiisa laga keeno, waxa uuna sheegay in taambuuga isticmaalaan ardayda qaar ayna keento in ay la dagaalamaan macalimiinta.

“Taabuuga oo dhallinta qaar si weyn xilligan u isticmaalaan waxa uu ka mid yahay wax yaabaha aan la dagaalamayno, oo ardeydii in ay cunaan bay macalimiintii wax bareysay  la dagaalamayaan”ayuu yiri duqa Muqdisho.

Taabuuga oo hadda la tilmaamo in dhallinyarada si weyn u isticmaalaan qaarkoodana ku dhax isticmaalaan goobaha waxbarashada ayaa ganacsi ahaan dalka loo keenaa, waxaana si caadi ah loogu iibiyaa dukaaman yar yar oo caasimadda kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -