Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen oo Baydhabo kusoo dhaweeyay Mangnus Bjarnason iyo xubno la socday (Sawirro)

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Cusub ee UNSOM deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason iyo Wafdi uu Hogaaminayo

Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiilka Cusub ayaa ka wada hadlay Xoojinta Wadashaqaynta UNSOM iyo Dmaamulka  Koonfur Galbeed, taageerida mashaariicda hormarineed, amniga, siyaasada iyo arimaha bini’adannimada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-Simaha gudoomiyaha Baarlamaanka ahna gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlaamnka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo La Taliye Sare Cabduqaadir Yaanyuurow.

Wakiilka Cusub ee UNSOM deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uga howl bilaabo magaalada Baydhabo, waxa uuna xoojin doonaa xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka Laftagareen iyo UNSOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo u diyaar garoobeysa ka qeyb galka shirka caalamiga ah ee COP-28

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee DF oo xukuntay ajaaniib ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---