Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nabadoon caan ah oo katirsanaa wax-garadka mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Dabley hubeysan oo heebtooda la garan ayaa toogtay Nabadoon Muuse Harun Aadan (Muuse Maquuni) oo katirsan wax-garadka beesha Gaaljecel, waxaana nabadoonka lagu dilay xaafad katirsan degmada Dayniile.

Sida aan wararka ku helnay kooxda dilka geesatay ayaa goobta si deg deg uga baxsatay, waxaana gaaray meesha dilka ka dhacay ciidamo katirsan booliiska iyo nabadsugida ka howlgasha degmada Dayniile.

Nabadoonka goordhaw lagu dilay degmada Dayniile ayaa labo sanno kahor ka bad baaday isku day dil oo loo qorsheeyay, waxaana markaas rasaas lagu furay kasoo gaaray dhaawac uu kasoo kabtay.

Dilalka qorsheysan ee loo geesto wax-garadka ayaa muddooyinkan dambe ku yaraa magaalada Muqdisho, waxaana ammaanka magaalada si weyn u adkeeyay ciidamada xasilinta oo gacan ka helaya kuwa nabad sugida iyo booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Somalia oo ku guuleysatay bilada caalamiga ee ODA AWARD ka dib tartan adag

Caydiid Ali

Sidee Hotelada Muqdisho uga dhaqan galay amarkii ka soo baxay Wasaaradda amniga?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---