Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay Axmed Muuse Nuur oo ahaa guddoomiyahii gobolka Mudug ee maamulka Puntland

Wasiir Maareeye ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaasi oo madax iyo shacaba lahaa, isagoo tilmaamay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayna cambaareyneyso.

“Argagaxisadu malaha hadaf dhaafsiisan in lala laayo bulshada iyo masuuliyiinta u adeegeysa sida kaliya ee looga adkaan karana waan in meel looga soo wada jeesto” ayuu yiri Wasiirka

Al-shabaab ayaa sheegatay qaxarii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ahaa mid ismiidaamin ah oo lala eegtay marxuum Axmed Muuse Nuur xilli uu kasoo baxay xafiiskiisa, waxaana la geeriyooday darawalkiisii iyo seddex qof oo ilaaladiisa ka mid ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -