Allbanaadir.com
NEWS

Mashaariic kala duwan oo ku baxeyso 40 milyan dollar oo Muqdisho lagu daah-furay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaas oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo kamid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabkeena.

La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica, oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ee maanta u yimid daahfurka mashaariicda, ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageerada dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sucuudiga garab istaagga iyo taageerada noocyada kala duwan leh ee ay mar walba siiso dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay sii xoojinayso xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal.

Related posts

(Sawirro) Xasan Shiikh oo booqday degaan ka tirsan Sh/dhexe oo laga saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali

Soomaali Afduub loogu heestay Johannesburg oo lasoo bad baadiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in howlgal laga fuliyay Ceeldheer lagu dilay Horjoogayaal kuwa kalana …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---