Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in howlgal laga fuliyay Ceeldheer lagu dilay Horjoogayaal kuwa kalana …

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa la sheegay in howlgal qorsheesan ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay joogeen Al Shabaab.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalada ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ka howlgaleen degmada Ceeldheer oo kamid ah degmooyinkii ciidanka horey uga soo baxeen.

Waxa uu sheegay wasiirka in howlgalkan ciidamada fuliyeen lagu dilay horjoogayaal katirsanaa kooxda Al Shabaab halka qaar kalana tilmaamay in la dhaawacay, waxa uuna intaa ku daray in ay jiraan xubno kale oo nolosha lagu qabtay.

”Geesiyaasha Bariga Galguduud waxa ay Maanta ka hawlgaleen gudaha Ceeldheer, Horjoogayaal halkaas joogay qaar waa dileen, kuwo nolasha ayay kusoo qabteen kuwana waa dhaawac, Dhul ninkiisa ayaa leh! Guulaysta, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Al Cadaalada.

Dowladda Soomaaliya faah faahin badan kama aysan bixin qaabka uu u dhacay howlgalkan ka dhacay degmada Ceeldheer oo gacanta ugu jiray Al Shabaab , waxaana la filayaa in saraakiisha dowladda ay faah faahiyaan howlglkan ka dhacay Ceeldheer .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Al-shabaab oo sheegatay iney ku dhowaad 100 askari ka dileen Liyu Boolis

Caydiid Ali

Ciidamo uu wato Saney Cabdulle oo la wareegay Deegaanno Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo Wali ay u rumoobi la’dahay riyadeedii boobka biyaha Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---