Allbanaadir.com
NEWS

Markab Dalxiis kii ugu weynaa dunnida oo safar Dalxiis u baxaya (Daawo Sawirro)

Markab dalxiis oo noqonaya kii ugu weynaa dunidda ayaa ka shiraacanaya xeebaha Miami ee gobolka Florida dalka Mareykanka, waxa uuna markabkan u bixi doonaa safar dalxiis oo muddo isbuuc ah qaadanaya.

Markabkan sida weyn loo qurxiyay ayaa dhirirkiisa lagu sheegay 365 mitir, waxa uuna ka kooban yahay 20 dabaq ama fooq, wuxuuna martigalin karaa markiiba ugu badnaan dad gaaraya 7,600 oo qof,

Shirkadda iska leh markabkan cajiibka ah ee Royal Caribbian Group, ayaa sheegtay in markabka gudihiisa ku yaallaan baarar waa weyn , beero yar yar iyo barkadaha dabaasha, waxa uuna leeyahay markabka adeeg walbo uu aadane u baahan karo.

Dalxiisayaasha markabka saaran ayaana qaadan doona waqti qurux badan inta ay markabka saaran yihiin, waxa ayna heli doonaan madadaalooyin xiiso badan oo ay ku qanci karaan dalxiisayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fiqi oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Itoobiya

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay hal arrin oo xukuumadiisu xoogga saareyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa Laga Ogyahay Sababihii Sheekh Shariif uu Ku Lumiyay Kursiga Madaxweynaha?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---