Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wakiillada maamulka Puntland oo aqbalay codsi uga yimid madaxweyne Siciid Deni

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajandaha fadhiga maantq ayaa ahaa akhrinta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumadda & soo jeedinta warbixinta Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Intaa kadib. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024)

Dhinaca kale, waxaa Golaha wakiillada maamulka Puntland warbixin ka jeediyey Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Related posts

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la geeyay Madaxtooyada Deni (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Mahad Cali Max’ed oo isku soo dhiibay ciidamada Nabad sugida K/Galbeed

Caydiid Ali

Albani Online oo Bushaaro aad Muhiim u ah u haya Qurbojoogta Soomaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---