(Sawirro) Mahad Cali Max’ed oo isku soo dhiibay ciidamada Nabad sugida K/Galbeed

Mahad Cali Maxamed oo ka tirsanaa Kooxda Alshabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalyahankan ayaa la yimid hubkii uu ku dagaalami jirey oo ka kooban qori AK-47 iyo booshkiisa, Wuxuuna sheegay inuu Al-shabab kaga Biirey degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe, isla markaana uu ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolada Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Mudug, Hiiraan, Galgaduud iyo Banaadir.

Mahad Cali Maxamed ayaa waxa jirkiisa qeybo ka mid ah ka muuqda dhawacyo ka soo gaarey dagaaladii uu ka qeyb galey, Wuxuuna Saaxibadiisa kale ee ku jira Alshabab ugu Baaqey inay isku soo dhiibaan  Ciidamada Dowladda isagoo sheegey in si wanaagsan loola dhaqmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -