Allbanaadir.com
NEWS

Nin labo sano ka hor toorey ku dilay nin kale oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin labo sano ka hor toorey ku dilay nin kale ka dib muddo badan oo la baadi goobayey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

27/01/2024 abaaro 11:30 am, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanaha sawirkiisu hoos idinkaga muuqdo, kaasoo ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaadin Soomaaliyeed 12/07/2022.

Baadi goob dheer kadib waxaa ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana la hor geyn doonaa maxkamadda awoodda u leh hadduu alle idmo.

bOLHaddaba muwaadin, haddii aad aragtid fal amniga liddi ku ah warbixin geey saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991

Related posts

Goob degmada Cadale looga dhisayo Garoon dayuuradeed oo la kormeeray (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo War ka soo saartay go’aanka dib loogu dhigay dacwadii Badda

Caydiid Ali

Magaalo Soomaaliyeed oo 28 sano ka dib yeelatay Booliskii ugu horeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---