Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Magaalo Soomaaliyeed oo 28 sano ka dib yeelatay Booliskii ugu horeeyey (Sawirro)

Taliyahaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, General Bashiir Maxamed Cabdi (America) ayaa tababar u soo xiray in ka badan 300 oo Askari, kuwaas oo ka howl-geli doona gudaha Magaalada Garbahaarey.

Ciidanka ayaa Lixdii bilood ee lasoo dhaafay Tababar uga socday Magaalada Garbaaharey ee Gobolka Gado, waxayna ammaanka Magaalada kala wareegi doonaan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, General Bashiir Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in Ciidanka la tababay uu u dhameyatiran yahay Agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in ay heli doonaan xaquuqda ay helaan Ciidanka Booliska ee dalka.

Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka ee ku sugan Magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ammaanka Degmada ay kala wareegaan Ciidanka Booliska.

Magaalada Garbahaarey ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa ka howlgalayey ciidamo ka tirsan milateriga Somalia, waana markii ugu horeysay ee ay halkaas ka howlgalaan ciidamo boolis ah 28 sano ka dib sida ay sheegeen dad magaaladaas ku dhaqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Shirkadda Saudi Aramco oo hal maalin khasaartay 90 bilyan oo dollar iyo Trump oo…

Cabdi Cade

Ninka ugu taajirsan Afrika oo sjaaciyay hadal dad badan layaabeen

Cabdi Cade

Xildhibaanno aqbalay baaqii Axmed Madoobe oo Kismaayo ka degay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---