Allbanaadir.com
NEWS

Magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo iskaashi cusub yeelanaya (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Bagdaad Mudane Camaar Muuse Kaadim.

Labada duq magaalo ayaa ka wada hadlay horumarada iyo caqabadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo labadaba kasoo kabanaya colaado sokeeyay, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireen ee ka dhaxeeya labada shacab.

Yuusuf Madaale iyo Camaar Muuse  la isla qaatay in lakala saxiixdo heshiis is-afgarad ku qotoma sidii dib loo bilaabi lahaa iskaashi iyo wada-shaqeyn dhw oo dhex mara labada Magaalo ee Muqdisho iyo Bagdaad.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hadiyado iyo shahaado sharaf kala duwan guddoonsiiyay duqa Magaalada Bagdaad Mudane Camaar Muuse Kaadim.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi & Kate Foster? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiliga la qabanayo doorashada kursiga uu baneeyay RW Xamsa oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Gaadiidka ciidamada AMISOM oo jiiray Mooto bajaaj, ka dibna ka cararay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---