Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi & Kate Foster? (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Kate Foster oo safar shaqo ku tagtay Somaliland.

Waxaa Kulankaa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriisku guud ahaan Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashadii suuqa Waaheen iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen taakulaynta abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale waxa laga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan adkaynta amniga gobolka oo ay Somaliland marwalba ka ciyaarto doorkeeda ugu habboon iyo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu dhankiisa uga mahadnaqay dawladda Uk, fariimihii tiraanyada gubashadii suuqa Waaheen ee Ra’iisal wasaaraha dalka Uk, wasiirka arrimaha dibeda, golayaasha, xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka UK ay ula qayb-sadeen shacbiga iyo xukuumadda  Somaliland, ugana tacsiyadeeyeen dhibkaasi soo gaadhay suuqii ganacsiga ee ugu weyna Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dayax-gacmeed uu leeyahay Imaaraadku oo sawiro ka soo diray meeraha Mars

Cabdi Cade

Putin oo si caro leh uga hadlay duqeyntii Maraykanka iyo xulufadiisu ka geysteen Siiriya

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Wasiir Maxamed Soomaali (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---