Gaadiidka ciidamada AMISOM oo jiiray Mooto bajaaj, ka dibna ka cararay

Mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ay wataan ciidamada AMISOM ayaa magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ku jiiray Mooto bajaaj.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka saldhiga Booliska magaalada Jowhar ka dib markii mid ka mid ah gaadiidka AMISOM oo halkaas marayey uu si ula kac ah u jiiray mooto bajaaj wadada mareysay sida dad goob joogayaal ah ay saxaafada u sheegeen.

Darawalkii waday mooto bajaajka ayaa la sheegay inuu dhaawac culus soo gaaray, iyadoo ciidamadii jiiray aysan u joogsan oo ay socodkooda iska sii wateen.

Dad iyo ciidamo boolis ah oo goobta ka dhowaa ayaa gurmaday darawalka dhaawacmay oo xaalad adag galay, iyagoo ula cararay isbitaalka magaalada Jowhar oo hadda lagu daweynayo.

Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaan ka hadlin dhacdadan, iyadoo ciidamada AMISOM ay marar badan gaadiidkoodu jiirsiyeen gaadiid kale, iyagoo aan u joogsan wax gurmad ahna aan u fidin dadka ay waxyeelada u geystaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -