Xubno ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jubbada hoose

Hawlgal qorsheysan oo ay iskakaashadeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan al shabaab

Weerarka ayaa ka dhacay degaan 45-Km waqooyi berri ka beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Ku meel gaarka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waxaa lagu dilay ilaa afar xubnood oo ka mid ahaa koox ka tirsan al shabaab kuwaasoo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax qasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowlada

Dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in iyadoo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab.

- Advertisement -