Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe iyo wafdi la socda oo si diiran loogu soo dhoweeyey Garowe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Cali Guudlaawe ayaa Garowe y tagay ka qeybgalka Caleema saarka Madaxweynaha Puntland oo 25 January 2024 ka dhici doona halkaas.

Wufuud kala duwan oo ka kala socota dowlad goboleedyada dalka, dowlada federaalka iyo qeybaha bulshada ayaa ku qulqulaya magaalada Garoowe si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Deni.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh oo lagu martiqaaday munaasabadda caleema-saarka ayaa aqbalay inuu tago magaalada Garowe, waxaana safarka ku wehelin doonaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Somalia, Masar iyo Eritreya oo sameysanaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya (Xog)

Caydiid Ali

Madaxweyne Geelle oo ka hadlay shirka beri u furmaya Madaxda Somalia & Somaliland

Caydiid Ali

Madaxweynaha Eritrea oo booqasho deg deg ah ku tegaya Magaalada Addis ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---