Al Shabaab oo sheegtay in xalay dileen 15-askari oo katirsan ciidamada AMISOM

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay dileen ciidamo badan oo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda, kadib weerar dhabo gal ah oo ka dhacay duleedka Marka.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerar gaadmo ah ay ku qaadeen ciidamada AMISOM xalay ku dileen 15-askari oo Ugaandhees ah, waxa ayna Shabaab sheegeen in ciidanka la dilay ay xiligaasi gurmad ugu socdeen gudaha Marka uu dagaal ka socday.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa 15 askari oo katirsan ciidamada AMISOM ku dilay dagaal ka dhacay magaalada Marka, ciidamada ayaa ku dhacay dabin kadib markii ay isku dayeen in ay dhabar jabin ku sameeyaan mujaahidiinta oo xilligaas dagaal kula jiray ciidamada dowlada ee ku sugan Marka” Ayaa lagu yiri warka Shabaab kasoo baxay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in meydadka qaar kamid ah ciidamada AMISOM ay dileen la geeyay deegaano kuyaala duleedka magaalada Marka ay maamulaan Al Shabaab.

Taliska AMISOM iyo saraakiisha ciidanka dowlada ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay Al Shabaab, waxaana warkan uu imaanayaa xili  xalay magaalada Marka uu ku hoyday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -