Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo hal arrin uga mahad celiyey Xoghayaha Guud J/Carabta (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa iska xogwareystay amniga iyo istaraatiijiyadda badda Cas marinka muhiim ka ah ee baabul-mandab iyo xaaladda geeska Afrika, iyagoo dul istaagey cawaaqib xumada ka dhalanaysa tallaabooyinka qar iska xoornimada ah ee Maamulka Addis Ababa ay ku fara geliyeen midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay hoggaanka Jaamacadda Carabta mowqifka midaysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku diideen damaca Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee ka dhanka ah badeena iyo dhulkeena.

Xoghayaha Guud eeJaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa muujiyey dadaalka iyo garab istaaga Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya,  isagoo sheegay inaan la aqbali karin xadgudubka ka dhanka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saldhig u ah xasiloonida Gobalka.

Related posts

Baarlamanka Ciraaq oo ansixiyey qaraar ka dhan ah ciidamada Maraykanka

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Madaxweyne Waare laga hor joogsaday inuu galo Belad-weyne?

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo lagu buuqay xili uu khudbad ka jeedin rabay Munaasabada furitaanka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---