Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Ciraaq oo ansixiyey qaraar ka dhan ah ciidamada Maraykanka

Baarlamanka Ciraaq ayaa ansixiyey qaraar ku baaqaya in ciidamada ajnabiga ah oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka ay ka baxaan Ciraaq.

Talaabadan ayaa ku soo aaday xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilkii uu Mareykanku todobaadkii hore gudaha Ciraaq ugu geystay taliyihii ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iran Jeneraal Qaasim Suleymaani.

Xildhibaanada Baarlamaanka Ciraaq ayaa sidoo kale isku raacay in barriga, badda iyo hawada Ciraaq laga mamnuuco dhammaan xoogagga ajnabiga ah.

Qaraarkan baarlamaanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Ra’isul wasaare Caadil Cabdul-Mahdi iney xaqiijiso soo gabagabeynta joogista dhamaan ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan Ciraaq.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraaq ka jooga ciidamo gaaraya 5,200 oo askari. Lama oga xilliga ay ka bixi doonaan Ciraaq.

Mareykanka ayaa Jimcadii la soo dhaafay dilay Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa maskaxdii ka danbeysay in Iran ay saameyn ballaaran ku yeelato dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan, iyadoo Iran ay sheegtay in ay ka aargudan doonto Mareykanka dilkaasi ay u gaysteen Suleymaani oo lagu sheego inuu ahaa qofka labaad ee ugu saameyn badnaa Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sababaha ay Itoobiya iskugu dhejineyso degaanka K/Galbeed

Caydiid Ali

DEG DEG: Xamaas oo ugu dambeyn ogolaatay heshiiskii xabad joojinta Gaza

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo arrimo muhiim ah kala hadlay Karin Johansson

Cabdi Cade
Taboola Ads ---